Home Afsomali Wasiir Maareeye ma ku saxsan yahay in uu joojiyo dajinta Shamiinto saaran...

Wasiir Maareeye ma ku saxsan yahay in uu joojiyo dajinta Shamiinto saaran markab dakada weyn ku xiran sii aqri sababta

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa joojiyey Shamiindo laga soo dejin rabay dekada Muqdisho.

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Wasiirka ayaa lagu wargeliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Taliyaha hoggaanka Ilaalada canshuuraha iney joojiyaan dejinta Markab taagan dekeda oo sida shamiinto fara badan.

Sababta joojinta markabkan Shamiintada wada ayuu wasiirku sheegay iney ka dambeysay cabasho ka timid Maamulka Shirkadda Barwaaqo oo ku dacwooneysa in ganacsato aan ka tirsaneyn shirkadaas ay keensadeen shamiinto wadata Magacii iyo astaantii Shirkadooda, ayna kala degayaan Markab taagan dekadda oo lagu Magacaabo M/V Captain.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu amray joojinta dejinka Shamiindadaas illaa amar dambe, waxaana ganacsatada wadatada la faray iney sharciga hor yimaadaan kana jawaabaan eedeymaha loo soo jeediyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.