Home Afsomali Wasiir Muqtaar Rooboow oo la kulmay qaar kamid ah Cullimada ku sugan...

Wasiir Muqtaar Rooboow oo la kulmay qaar kamid ah Cullimada ku sugan Muqdisho

 

Wasiirka Awqaafta iyo Arr. Diinta Soomaliya Sheelh Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xil. Saalax Shariif Sayid Cali ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Culimada Soomaaliyeed.

Inta uu socday kulanka waxaa talooyin waxtar leh looga dhageystay culimada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ka codsaday Culimada Soomaaliyeed in ay si dhow ula shaqeeyaan si loo gaaro yoolalka bulshadeena, iyadoo sare loo qaadayo Barashada Diinta Islaamka iyo Fidinteedaba.

Matalaayasha Culimada Soomaaliyeed ee kasoo qeybgalay kulanka ayaa balanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasaaradda.

Kulanka waxaa kasoo muuqday Cullimo kamid ah Ahlusunna, kuwaas oo Muqtaar Rooboow ka hor inta uusan kusoo biirin dowladda Soomaaliya uu ka aaminsanaa inay yihiin kuwa aan Diinta Islaamka ku Shaqeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.