Home Afsomali Wasiirka Cadaladda XFS oo sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono haweeneydii jirdilka...

Wasiirka Cadaladda XFS oo sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono haweeneydii jirdilka iyo dhibaateynta Ubax ( DAAWO SAWIRADA ) 

Wasiirka Cadaladda XFS oo sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyey dhibaateynta Ubax

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dembeeyey dhibaateynta Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo 15 sano jir ah waxay la dhultaalaa dhibaatooyin isugu jira jirdil, gubis iyo in labada gacmood looga xiray muddo sil silad sida ay Warbaahintu  sheegeen dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskeeda ee Isbitaalka Madiina ka howlgala.

Qoyska Ubax ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaawacyada ku yaala jirkeeda ay yihiin kuwa dhammaan uu wada dhaawacanyahay oo ay kula kacday haweeney uu u geeyey Aabaheed, taas oo si arxan daro ah nolosha ugu ciqaabtay dhibane Ubax.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya  Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxay ku booqdeen Ubax Ibraahim Cabdullaahi, waxaana la joogtay  Hooyadeed oo dhaawaceeda loogu geeyey Gobolka Gedo oo markii horaba gabadhaan ay ku soo kortay.

Raxmo Maxamed Muxumad oo ah Hooyada dhashay Ubax waxay u sheegtay mas’uuliyiinta in dhaawacyada ku yaala gabadheeda ay u sabeen hurdo la’aan habeen iyo maalin ah.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Ubax oo dhibane u ah dhaawacyo ay u geysteen dad ehelkeeda ah inay heli doonto cadaalad, isla markaana sharciga la marsiin doono dadkii ka dembeeyey falkaan ka baxsan beni’aadannimada

Ugu dembayntii howlgal ay ka sameeyeen ciidamada amaanka ayaa lagu soo qabtay qaar ka mid ah eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falkaan xanuunka badan ee la gula kacay Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

https://fb.watch/v/zKFVo4OP/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.