Home Afsomali Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka mid noqday Senatarada Aqalka...

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka mid noqday Senatarada Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa loo doortay Senatar Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad, kaddib doorasho goordhow ka dhacday Baydhabo ayuu ku guuleystay 74 cod, halka Musharaxii la tartamayay C/raxmaan Maxamed C/llaahi uu helay 14 cod, iyadoo ay xumaatay saddex cod.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada Xubno ka harsanaa Aqalka Sare, waxaana goordhow la doortay kursigii ugu horeeyay Saddexda kursi ee Maanta la dooranayo

Kursiga ugu horeeya ee doorashada ka socota Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, kaas oo helay Codad gaaraya ilaa 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.

Sidoo kale waxaa goordhow la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee doorashada Maanta oo ay ku tartamayaan Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdiqadir Cabdi Axmed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta dhameystiraya 8 kursi oo ay ku leeyihiin Xildhibaannada Aqalka Sare.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.