Home Afsomali Wax badan ka Ogow Tartanka Uus-buurnimada ee loo qabto rag kunool dalka...

Wax badan ka Ogow Tartanka Uus-buurnimada ee loo qabto rag kunool dalka Itoobiya.

Qabiilka Bodi ee dega koofurta Itoobiya wuxuu qabtaa bandhig sannadeed dabaaldeg loogu sameeyo ragga caloosha leh. Si taas loo helana, ragga doonaya caloosha waa inay galaan tababbar lix bilood ah oo ay calool iskaga soo saari karaan.

Dunida kale aad bay maanta dagaal kulul kula jirtaa yareynta iyo dhammeynta buurnida iyo cayilka faraha badan – ragga caloosha leh-na iyo dumarka si guud waxaa lagula taliyaa inay iska ridaan culeyska oo ay galaan jirdhis iyo dhaayat ama isku dheelli-tir cunno.

Balse aragti taas ka duwan ayaa ka jirta gudaha Itoobiya. Waxaana ragga caloosha leh loo arkaa kuwa qurux badan oo soo jiidasho leh. Qabiilka Bodi oo iskugu jira beeralay iyo xoolo dhaqato waxay sannadle ugu maamuusaan raggooda caloosha leh waxaana loo qabtaa xaflad lagu magacaabo Ka’el oo lagu boqro ragga kooda ugu caloosha weyn. Waxaana loogu yeeraa shuluqa ama caloolbuurka sannadka qofkii ku guuleysta.

Waxaa intaas u dheer inuu qaddarin iyo soo dhaweyn ka helo qabiilka intiisa kale. Caanaha lo’da, yogurt-ka, dhiigga ceeriinka ah iyo malab ayay isku isticmaalaan muddo lix bilood si ay calool uga soo baxdo.

Waxaa la-yaab leh in qabiilkan aanu cunin lo’da oo ay u arkaan muqaddas. Laakiin waxay dooxaan meel kamid ah oogadeeda si ay uga nuugaan dhiigga kadibna waxay dhaawaca ku daweeyaan dhoobo iyo wixii la halmaala.

Bilaha June iyo July dhexdooda ayaa la qabtaa xafladda. Waxaa tartamayaasha ay iskugu soo baxaan kax bannaan si ay calooshooda u muujiyaan. Marka lagu dhawaaqo guuleystaha, toddobaadyo kaddib waxaa la arkaa raggii caloosha lahaa oo ay cayilku iska dhimayo.

Qof mar ku guuleysta abaalmarinta, wuxuu weligiis qabiilka ka dhex noqdaa halyey la sharfo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.