Home Afsomali Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada...

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in ay maqlayeen jugta madaafiicda, kuwaas oo ku dhacay Xaafada ku dhow dhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Garoonka diyaaradsha Magaalada Baydhabo ay dhankooda madaafiic dhowr ah ugu jawaabeen Xubnaha Al-Shabaab ee weerarka madaafiicda ah kusoo qaaday.

Weerarka Madaafiicda ah ee lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli doorashada Aqalka Sare ay ka dhacday Magaalada Baydhabo sidoo kale ay  Ciidamada Nabadsugida wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.