Home Afsomali Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada...

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya  ku leeyihiin degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada Kenya  iyo agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Kenya, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Kenya dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ku jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq oo ah degmada kaliya ee Gobolka Gedo uga sugan yihiin Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladeedu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.