Home Afsomali Wiil yar oo ku dhacay Ceel ku yaalla Afghanistan kuna...

Wiil yar oo ku dhacay Ceel ku yaalla Afghanistan kuna jira 3 maalintii 3aad (Dhacdo la mid ah tii Rayaan)

Waxaa soconaya dedaalo lagu badbaadinayo wiil 9 sano jir ah oo muddo saddex maalmood ah ku xayiran gunta hoose ee ceel ku yaal tuulo fog oo ku taalla Afghanistan.

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalka wiilka Xaydar oo gudaha hoose ugu jira ceelka, hasayeeshee weli waxa uu dhaqaajinayaa gacmaha iyo jirkiisa kore.

Muuqaalka ayaa waxaa laga dhex maqli karaa sheeko dhexmaraysa wiilka yar ee ceelka guntiisa ku jira iyo aabihii oo ceelka dul taagan.

Muuqaalkan ayaa waxaa qaaday kooxaha samatabixinta kuwaasoo hoos kaamarada u laalaadiyay ceelka ciriiriga ah oo dhererkii lagu sheegay qiyaastii 100 mitir wuxuuna ku yaallaa tuulada Shokak, ee gobolka Zabul

Wasiirka warfaafinta ee Taalibaan, Sharafat Weyar, ayaa sheegay in wiilka markii uu gudaha ugu sii dhacay ceelka ay xaaladdiisa ka sii dartay, hasayeeshee kooxaha samatabixinta ay isku dayayaan inay halkaas nabad uga soo saaraan.

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar laba todobaad kaddib markii howlgal midkan oo kale ahaa lagu guuldarraystay, kaasoo la isku dayay in ceel looga soo saaro wiil u dhashay waddanka Marooko, kaasoo soo jiitay indhaha caalamka.

Wiilkaas reer Marooko ee shan sano jirka ahaa ayaa markii dambe loo tegay maydkiisa ka dib dedaal socday shan cisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.