Home Afsomali Full VIDEO Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo soo agaasimay Kulan deg deg ah...

Full VIDEO Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo soo agaasimay Kulan deg deg ah oo ku saabsan Abaaraha ka jira dalka

 

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo soo agaasimay Kulan deg deg ah oo ku

saabsan Abaaraha ka jira dalka

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasimay kulan fogaan arag ah oo ku saabsan abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan deegaannada Jubbaland.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Guddiga Wasiirrada ah ee u xilsaaran Abaaraha ka jira dalka, Danjireyaasha Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Gargaarka binu-aadantinimo ee ka howl-gala dalka ayaa lagu soo bandhigay walaac xooggan ee ku aaddan xaaladda abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan.

Kulanka ayaa wadajir u bogaadiyey dadaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba, iyagoo ku baaqay in la sii dardar geliyo, lana xoojiyo sidii loo badbaadin lahaa dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ku habsadeen abaaruhu.

Inta uu socday kulanku, Madaxda ayaa ka dhageystay guddigii Wasiirrada ahaa ee gurmadka geeyey iyo Wasiirka Gargaarka Jubbaland warbixin ku saabsan saameynta abaaruhu ay ku yeesheen Jubbaland oo ka mid ah deegaannada
ugu il daran saameynta Abaaraha ka jira dalkeenna.

Gabagabadii, Madaxda ayaa adkeeyey baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, iyagoona isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo abaaraha soo noqnoqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.