Xaflada taageerada beesha habarceeno oo ka tirsan beelweynte murusade karanle ee Xildhibaan Mustaf sheikh Cali dhuxulow ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho
Halku dhiga munaasibada ayaa aheyd mudane na hogaami 4 sano oo kale kursiga Hope 49 ee deegaan doorashadiisu tahay galmudug state .
Muqnaasibada ayaa waxaa ka soo qeybgalay xildhibaano siyaasiyiin dhaqanka taaheerashaasha xildhibaanka dhalinyaro haween iyo marti sharaf kale oo munaasibada lagu casuumay.
Masuuliyiin iyo mudanayaashii kale ee munaasibadaka hadashay ayaa si isku mid ah taageero iyo garab istaag u muujiyey Musharax Xildhibaan Mustaf sheikh Cali dhuxulow oo kurisiga ku fadhiyey 4tii sano ee la soo dhaafay mar kalna u sharaxaan kurisiga waxayna dhaheen soo laabo mar kale anagoo kugu kalsoon waxayna faahfaahiyee waxqabadkii xildhibaanka oo ay uga mahadceliyeen abaalkii uu u galay .
Maareeyahay wakaalada madbacada qaranka cabdifataah daahir jeyte oo ka mid ahaa masuuliyiintii munaasibada ka hadashay ayaa tilmaamay in Xildhibaanka waxqabadkiisa la soo koobi karin uuna mudan yahay in lagu taageero lana garab istigaago.
https://youtu.be/W-x1QQKS7cs
Xamdi Cali Nuur ayaa Tix ku cabirtay Xidhibaanka beesha habar ceeno oo ay sheegtay in uusan jirin mid lala barbar dhigi karo waxayna ka bixisay raali galin hadii ay jiraan waxyaabo uu dhibsaday oo beesha ka soo gaaray
Abwaan Cawil Cagood oo ka tirsan kooxda horseed ee c.x.d Somaliyeed ayaa hoolka munaasibada ka dhaceysay ka soo jeesiyey maanso taageero iyo muujin iskuugu jirtay
Nabadoon xusen Xasan bariise ayaa sheegay in uu kalsooni dheeraad ah ku qabo
Cabdulaahi faarax siyaasi ayaa ku tilmaamay in xildhibaanku yahay miska isku haaya bulsho weynata somaliyeed wuxuuna xusay in beeahu u bahan tahay sii joogitaankiisa iyo ka mid ahaashiyahay golaha Xildhibaanada.
Cabdirisaaq dalxiis ayaa beesha ku booriyey in ay ku taageeraan kursiga beeaha habar ceeno .
Xildhibaan iyo wasiir galmudug zakariye Maxa.ed Xasan yalaxow ayaa taagèeray fadhiga iyo xaflada loo dhigay Xildhibaan Mustaf Sheikh Cali dhuxulow.
https://youtu.be/U5lo25Cyd44
Xildhibaan galmudug farxiyo Cali Xasan falfaloos ayaa Xildhibaanka uga mahadcelisay wax qabadkiisii tan iyo intii uu Xilka haayey waxayna hadalkeeda sii raacisay in ay iyadu u sharaxan tahay isla kursiga waxayna raali galain ka bixisay hadalo ka soo yeeray qaar ka mid ah beesha habar ceeno oo ay beel isku macaan oo 5 lafood ah siyaasad kuri lagama tagee waa laga dhintaa I’d kastana waa tartami kartaa
Xildhaabaan Cabdiraxiin Axmed bariiseAyaa sheegay is bedelada muhiimka ay ee uu qabtay ay ka mid tahay shaqaaleysiin dhalinyaro bada dalacaad darajo iyo arday siin waxbaro.
Cabdinaasir daahir Cabdi aqaasimaha Guud ee waxbarashada gobolka oo sheegay in garab ku siyey helida shaqada uu dowlada u haayo hadii Mustaf loo hiiliyey waxaa loo hiiliyey qaranka oo dhan wuxuuna u rajeeyey in Xildhibaan mustafa sii matali doo o
Guntii iyo gabagabadii waxaa sacab iyo mashxarad aan kala joogsi laheyn lagu soo dhaweeyey murasgarax madaxweyne Xildhibaann mustaf sheikh Cali Dhuxulow wuxuuna salaan ka dib codsaday in ay istaagaan inta ka mid ah dhalinyarada uu fursado horumarineyd siiyey ee goobta ku sugneyd waxaana lala yaabay in kala bar martidii ay istaageen taasi oo cadeyneysa in uu soo gacan qabtay qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada beesha habar ceeno .
Wuxuuna sidoo kale ka sheekeeyey waxqabadkii dalka uu u qabtay intii uu xilka ahaayey.
Xildhibaanku wuxuu u shaqeeyaa sida kaaba qabiil aday dhaqameyd waxaa laga codsadaa in uu soo daayo qof la xirey dil mid geystay diyo bixin dhaxdhaxaadin qabiilo waxaas oo dhan waa shaqo leexsan hada lagu qasban yahay.wuxuu balan qaaday hadii mar kale la doorto in uu shaqada halkeeda ka sii wadi doono