Home Afsomali Xarunta baarlamaanka iyo saldhiga Bolice ka ugaandha oo lala beegsaday qaraxyo waaweyn...

Xarunta baarlamaanka iyo saldhiga Bolice ka ugaandha oo lala beegsaday qaraxyo waaweyn oo is xigxiga

Labo qarax  oo is xigxigta ayaa lala beegsaday  xarunta baarlamaanka, CPS ee Kampala iyo saldhiga dhexe

Labo qarax ayaa subaxnimadii jore ee maanta  lala beegsaday bartamaha magaalada Kampala.
Sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq xooggan iyo qaar baabuur oo gubanaya agagaarka Ceymiska Jubilee ee ku teedsan Waddada Baarlamaanka.
Baarlamaanka ayaa laga xiray howlo  amniga. Qarax kale ayaa  ka dhacay taawarada Kooki oo kasoo horjeeda saldhiga dhexe ee magaalada Kampala.
Tiro badan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen.

Baarlamaanka ayaa la xiray, iyadoo aan la ogolayn cid ka soo gasha oo ka soo baxda albaabada waaweyn. Waxa kaliya ee laga baxo waa xafiiska madaxweynaha.

https://youtu.be/WEPJZMeaV9Y

https://youtu.be/OdvXggZFlnw

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.