XFS ayaa maanta Somaliland ku wareejineysa lacag dhan $11,700,000 (Toban iyo kow Milyan, Todobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ah deeq Caalami ah oo loogu talagalay horumarinta Somaliland oo Qasnadda DFS ku jirta.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen Siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka xilalka haya ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi-Somaliland ayaa sheegay in lacagtaas loo dirayo Somaliland.
Guuleed ayaa tilmaamay in si degdeg ah loo gaarsiiyo Somaliland si wax loogu qabto Dadka ku hanti beelay Dabka khasaaraha xooggan u geystay Ganacsatada Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa oo lagu qiyaasay hantida ka gubatay ku dhawaad $2 Bilyan oo Doollar.
“Waa Dhacdo xannuun badan, Suuqa Hargeysa oo 100kii sano u dambeeyay dhismayay oo dhaqaale ku kordhayay in muddo saacado ah ku basbeelo waa wax laga xumaado, innaga mas’uuliyadda baa naga saaran u gurmashada Ganacsatada ku ceydhowday, culeyska Baaxadda uu leeyahay ma dhammeyn karno balse dedaalka yaga ayaan ka qaadaneynaa, lacagta ku dhaw $12 Milyan ayaa toos loogu shubi doonaa waxaana intaas dheer $3 Milyan oo kale oo deeq ah” ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Saameynta taban ee Dabka baabi’iyay Hantida taallay Suuqa Magaalada Hargeysa ayaa weli muuqata, waxaa la furay koontooyin lagu uruurinayo lacagaha deeqda ah ee lagu ceyminayo Dadka ku hanti waayay Dabkaas.