Home Afsomali Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud marna ka hari meyno kiiska kufsigii iyo...

Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud marna ka hari meyno kiiska kufsigii iyo dilkii dhibbane Xamdi

Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu daba taagan yahay kiiska kufsiga iyo dilkii waxashnimada ee Muqdisho loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Waxaa uu sheegay in marnaba kiiskaas uusan ka hari doonin ilaa cadaaladda la marsiiyo dadkii ka dambeeyay falkaas, kuwaas oo qaarkood la sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku hayaan.

“Aniga oo ka mid ah ehelka iyo xildhibaanada marxuumadi Allaha u naxariistee Xamdi Maxamad Faarax Caroone-Gooni ku matala golaha shacabka waxaan rabaa in dhammaan ummadda Soomaalida u caddeeyo in dhibkii dhacay aan daba taaganahay, gacanta lagu hayo dhowr qof oo lala xiriirinayo falkaas, kuwa kalana lagu raad joogo. ayuu yiri” Xildhibaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weli uu socdo baarista falkaas bahalnimada ah, waxaana uu codsaday in si mas’uuliyadi ku dheehan tahay loo adeegasado warbaahinta.
Jimcihii la soo dhaafay ayaa Alle ha u naxaristee Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax waxaa kufsi loogu geystay Guri dabaq ah oo ku yaalla Xaafada Maajo ee degmada Waaberi, iyada oo dabaqa laga soo tuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.