Home Afsomali Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Ballan Qaad U Sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Ballan Qaad U Sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kulamo kala duwan kula la qaatay Xildhibaanadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ayaa u muujiyay tageero iyo in ay siinayaan codka kalsoonida marka  uu horyimaado Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka.

Ilo ku dhow kulamada ayaa laga soo xigtay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Xamse Cabdi Barre u ballan-qaadeen wada- shaqayn  wanaagsan si uu ugu guuleysto qorshayaasha hormarineed ee hortabinta u leh Dadka iyo dalka.

Maanta ayaa la filayay in Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Federaalka la horgeeyo XIldhibaanada Golaha Shacabka, hayeeshee kulankii Maanta ee Golaha ayaa baaqday, sababo la xiriira Safaro ay ku maqnaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba  ha’ahaatee Inta badan marka ay timaado kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa Baarlamaanka si aqlabiyad leh u ansixiyaan oo aan wax caqabad ah lagala kulmin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.