Xildhibaannadii ugu horaysay oo haweena ayaa Sabtidii si rasmi ah uga mid noqotay xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland, kadib muddo 2 sanno ku dhow oo goluhu rag khaas ah ka koobnaa.
Aamin iyo Nuur ayaa xisbiga UCID uga sharaxnaa gobolka Awdal, waxaana soo baxay Nuur iyaduna waxay noqotay musharixii kusoo xigay cod ahaan, hadaba Aamin oo ahayd wasiirka maalgashiga ayaa iska casishay xilkii wasiirnimo iyadoo dhaxashay jagadii Nuur.
“Wasiirku waa xil siyaasiya, laakiin halkani waa gole sharci oo u baahan in laga dhiso dowladnimada. Waana halka aan rabo waxyaalihii igu hor istaagay in aan golahan ku soo biiro in aan kaga hor tago si aanay u helin da’yarta iyo haweenka iga danbeeya’ ayay Xildhibaan Aamina u sheegtay waraysi ay siisay BBC Somali.
Xubnaha golaha wakiilada ayaa si wayn ugu riyaaqay kamid ahaanshiyaha Aamina ee golaha, iyaga oo soo galbiyay isla markaana shaagay in ay suldaamad golaha u noqon doonto, oo ay wax badan soo kordhindoonto.
Aamina ayaa sannado kahor Somaliland kusoo noqotay kadib muddo dheer oo ay kasoo shaqaysay waddamada New Zealand, Ingiriiska iyo Imaaraadka.