Home Afsomali XILDHIBAANO SHIRKADO ISU BADALEY

XILDHIBAANO SHIRKADO ISU BADALEY

Aad baan ula yaabey markii Wasaarada Owqaafta arimaha Diinta ay Sheegtey in 54 Shirkadood ku Guuleysteen Arrimaha Xajka ee Sannadkaan

Waxaa isweydiiyey 54 Shirkadood Dalkan Ma joogaan iyadoo Bulshada ka Dheregsan tahay in Shirkadaha Diyaaradaha ay yihiin wax aan Gaareyn 5 Shirkadood

Xuuraansi Dheer waxaa la ii sheegey in Shirkadaha la Sheegayo ay yihiin Xildhibaano iyo Shaqsiyaad ka tirsan Xafiiska Raiisul Wasaaraha kuwaa oo aan Dhihi karo waxay isu Badeleen Mukhalasiin

Waxaa ka Sii yaab badan waxaa Sannadkaan lagu soo darey Mashruuc la yiraahdo VIP oo Qiimihiisu yahay 5 Kun oo Doolar

Xajka marka la yiraahdo waxay Diintu Sheegeysaa waa meesha Faqiir iyo Taajir la siman yahay Ma garan karo in Dadka loo kala saaro Mid sare iyo mid hoose

Xaq miyaa in qolada sare 5 kun Doolar la yiraahdo kuwa hoosana la yiraahdo 3600 oo Doolar Waxaa aniga u Fahmey Mashruucaan in dad kala Sareeyaan uu yahay in la yiraahdo Waa Markii ugu Horeysey oo Dowlada ay Sannadkaan Sameyso wax la yiraahdi VIP XAJ

Ilaahow ummadaan ka qabo Dalaal iyo Malaal waa Dowlad Shacabkeeda mar kasta Dhibaateyneysa oo mar waliba Mashruuc u soo Alifeysa Xildhibaanada qaar waxaa leeyahay Masiirkii la idin ku soo doortey waa hareer marteen fadlan iska dhaafa Qaraabka noocan ah ee Sharaftiina wax u dhimaya

Xigasho Aamiin yuusuf Qasaaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.