Home Afsomali Xilliga la qabanayo Shirweynaha Madaxda Afrika & Ruushka oo la shaaciyey

Xilliga la qabanayo Shirweynaha Madaxda Afrika & Ruushka oo la shaaciyey

Xilli uu sii kordhayo xifaaltanka iyo loolanka Siyaasadeed ee Raashiya iyo Maraykanka ee Kasbashada Qaaradda Dihan ee Afrika ayaa waxay Dowladda Raashiya mar kale ku dhawaaqday Shirweynaha Labaad ee uu Madaxweyne Vladimir Putin la yeelan doono Madaxda dalalka Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Raashiya, Sergey Lavrov oo haatan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Koonfurta Africa ee Pretoria waxa uu rajo ka muujiyey Shirweynaha Labaad ee Raashiya & Afrika (The second Russia-Africa Summit).

Lavrov ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo dhigiisa South Afrika, Naledi Pandor, wuxuuna xusay in Raashiya iyo Afrika u bilaaban doono Xiriiro Heer Cusub.

Sergey Lavrov waxa uu tilmaamay inay Wasiirad Naledi Pandor ka wada hadleen Arrimaha U-Diyaar-garowga Shirweynaha Labaad ee Afrika iyo Raashiya oo dabayaaqada bisha July ee sanadkan lagu qaban doono magaalladda Saint Petersburg oo ku taalla W/Galbeed ee dalka Raashiya.

“Waxaynu rumeysanahay in Natiijada Shirkaasi uu rasaas u noqon doono Shaqadii la soo qabtay tan iyo Shirkii Koowaad ee Afrika iyo Raashiya ee sanadkii 2019-kii lagu qabtay magaalladda Soch” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya, Sergey Lavrov.

Si kastaba, Hay’adda The Roscongress Foundation waxay horey u shaacisay in la qorsheeyey inuu bisha July 26-da ilaa 29-da qabsoomo Shirweynaha 2-aad ee Afrika iyo Raashiya iyo Madasha Dhaqaalaha (The second Russia-Africa Summit and Economic Forum).

Shirweynihii Koowaad ee labada dhinac waxaa lagu qabtay magaallada loo dalxiiso tago ee Sochi ee dalka Raashiya uu bishii October 22-dii ilaa 29-dii ee sanadkii 2019-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.