Home Afsomali Xisbullah oo dhimasho iyo dhaawac u geysatay askar ka tirsan Milateriga Israel

Xisbullah oo dhimasho iyo dhaawac u geysatay askar ka tirsan Milateriga Israel

Askari Israa’iili ah ayaa ku dhintay laba kalena waa lagu dhaawacay weerar ay diyaarad Drone ah ku garaacday ciidamada Israa’iil ee ku sugan deegaanka Margaliot ee u dhow xuduudka Lubnaan, sida ay sheegeen ciidammada Israa’iil.

Laba ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa laga soo tuuray dhulka Lubnaan: mid waa la qabtay, halka mida kalena ay ku qaraxday askarta difaaca Israa’iil sida uu sheegay afhayeenka ciidanka Adm. Daniel Hagari.

Wuxuu sheegay in diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo ka jawaabaya weerarkaas ay ku duqeeyeen Xisbullah bartilmaameedyo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

“Waan sii wadi doonnaa duqeymaha aan ku beegsaneyno bartilmaameedyada Xisbullah annagoo ka jawaabayna dhaqdhaqaaq kasta oo cadowtinimo oo ka dhan ah Israa’iil,” ayuu yiri Hagari.

Ugu yaraan lix askari oo Israa’iil ah ayaa lagu dilay aaga woqooyi ee Israel tan iyo markii Xisbullah ay bilaabeen weerarrada ay ka soo qaadayaan koonfurta Lubnaan 8-dii Oktoobar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.