Home Afsomali Xooghaaye Macalimuu CPJ warbixin ay iska kaashadeen iyo saxafiyiinta sanadkaan la dilay

Xooghaaye Macalimuu CPJ warbixin ay iska kaashadeen iyo saxafiyiinta sanadkaan la dilay

Guddiga u dhaq-dhaqaaaqa ilaalinta Xuquuqda Saxafiyiinta ee CPJ ayaa shegay in sanadkan 2016 uu yahay sanad murugo uleh suxufiyiinta.

ilaa iyo 6 wariye ayaa lagu dilay 41 wariyena waa lagu xiray wadamada saxaraha ka hooseeya.

halka sanadkii 2015 lagu dilay 14 suxufi 34 kalena la dhawacay.

gud ahaan calamka waxaa sanadkan 2016 lagu dilay 48 suxufi waxaana badan kood lagu dilay wadamada dagaaladu ay ka oogan yihiin sida Siiriya,, Ciraaq, Yaman, Liibiya, Iyo Afganistan.

259 wariye ayaa la xiray guud ahaan caalamka sanadkan taasi oo ka dhigan tiradii ugu badneyd ee ladiiwan galiyo 16 kii sano ee lasoo dhaafay.

wadanka ugu badan ee Africa suxufiyiinta lagu laayo ayey CPJ ku sheegtay in uu yahay soomaaliya waxaana sanadkan lagu dilay ilaa sedex wariye.

Africa waxaa sanadkan lagu xiray 41 wariye 34 kamida waxaa lagu xiray dalalka soomaaliya iyo eletaria.

6-da Suxufi ee guud ahaan africa lagu Dilay Sanadkan waxaa ay wax ka qorayeen Musuq-maasuqa isku Dhacyada iyo Siyaasadda Sida CPJ ay sheegtay.

waxana 6 dan wariye waxaa lagu kala magacaabaa Abdul-casiis Maxamed Cali Xaaji, Maxamed Yeelo Isaaq Fuuni Mahad Cali Maxamed Markel Lubaana Iyo Sagal Salaad Cusmaan.

Maxed Ibraahin Macalimu  Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somaliyed Ee Nusoj Waxaa uu saxaafada u sheegay in sanadkan tirada ladilay ay ka yaryihiin tiradi sanadihi hore.

”Qarkamida asxabteyda wey qaxen sababo la xirira amankoda”. Mucalimu Ayaa sidaaasi ku waramay.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0p

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.