Home Afsomali Xubno ka howlgala  xaafiiska Midowga Yurub ee Muqdisho oo laga helay COVID-19

Xubno ka howlgala  xaafiiska Midowga Yurub ee Muqdisho oo laga helay COVID-19

Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in seddax xubnood oo ka tirsan shaqaalaha xafiiska laga helay cudurka Coronavirus, sida uu shaaciyey Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga.

Mr Berlanga ayaa sheegay in 3-da qof ee ka tirsan xafiiskooda lagana helay cudurka la geeyey goob u gaar ah oo lagu karantiilay, isla markaana lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa warbixintiisa ku sheegay in la karantiilay dadkii kale oo ay la kulmeen seddaxdaas qofood.

Waxa uu sheegay Nicholas Berlanga inay qaadan doonaan tallaabooyinka ay soo saartay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO, kuwaas lagu badbaadinayo dadka qaba xanuunka COVID-19, si dhowro badqabka dadka uu ku dhacay iyo shaqaalaha kale ee xafiiskaba.

Xaafiiska Midowga Yurub ayaa ku dhex yaalla xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo fadhi u ah hey’ado caalami ah iyo safaarado dhowr ah, waxaana bishii hore laga diiwaan geliyey laba kiis oo Coronavirus ah inta la shaaciyey, kuwaas oo laga helay laba qof oo ka tirsan shaqaalaha xaafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho.

Maalmo ka hor waxaa cudurkaas laga helay askari ka tirsan AMISOM oo u dhashay Uganda, sidoo kale waxaa la sheegay in shaki la xariira cudurkaas ay u karaantiilan yihiin askar kale oo ka tirsan AMISOM.

Tirada guud kiisas COVID-19 ee laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 601-kiis, waxaa kasoo bogsatay 31-qof, halka 28 ruux ay u dhimatay inta la ogyahay, sida lagu shaaciyey warbixinadii ugu dambeeyey ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.