Doorashada ka dhacday magalada jowhar ee xarunta dowlad goboledka hirshabelle ayaa waxa uu tartan adagi dhex maray ilaa 8 musharax oo u isku soo taagay jagadaasi
wareega koowaad ee cod bixinta xildhibanada mamulka hirshabelle ee musharaxiintau tar tamayay waxaa isku soo haray labo musharax oo kala ah musharax maxamed cabdi waare iyo musharax daahir cabdulle cawaale
wareegii labaad ee labadani musharax ayaa cod tirinta ka dib waxaa natiijada ku dhawaaqay gudoomiyaha barlamaanka dowlad goboledka hirshabelle shiikh cusmaan barre Maxamed oo sheegay in guusha ay ku raacday Maxamed Cabdi Waare oo helay 74 cod halka daahirna uu helay 23
Waxaana isla goobta lagu dhaariyey Madaxweynaha cusub ee uu yeeshay Maamulka Hirshabele Maxamed Cabdi Waare
waxaa hadal halkaasi ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan dowlada federalka ee Somaliya oo ugu horeyo wasirka arimaha gudaha wasiiro ku xigeeno xildhibano ka tirssan labada gole ee dowlada dhexe ee dalka iyo Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir
sanataro iyo sidoo madaxweyne ku xigeenka mamulka hirshabelle kuwaasi oo dhamaantood bogaadiyay doorashada ka dhacday magalada jowhar ee uu ku soo baxay Maxamed Cabdi Waare
Madaxweynaha la doortay ayaa u mahadcelin ka sokow wuxuu balan qaaday in uu la shaqeyndoono madaxda Maamulka ee isaga ka horeysay iyo xildhibaanada hirshabelle
– Daahir Cabdulle Cawaale, 2- C/raxmaan Xasan Caddow, 3- Yuusuf Axmed Hagar, 4- Maxamed Caruush Diirow, 5- C/naasir Maxamed Shirwac, 6- Cabdi Faarax Laqanyo, 7- Maxamed Cabdi Waare iyo 8- C/kariin Cali Nuur,
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view