Sida ay inoo Xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay Xildhibaanadii ugu badna Ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee soomaaliya ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah hogaamiyaha Galmudug Axmed docaalle Geelle Xaaf.
Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada mooshinka diyaariyay iyo Xaaf inay isku qabteen qodobo dhowr ah oo ku aadan sidii loo wajihi lahaa shaqada deegaanada Maamulka Iyo Ciidamo la sheegay in loo dhisi doono goobaha uu ka arimiyo Maamulka Galmudug iyo talooyin xildhibaanada ay siiyeen xaaf balse qaar ka mid ah uu ka biya diiday.
Ilawareedka warkan aynu ka soo xiganay ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay in saacadihii la soo dhaafay ay wada kulmeen xubnaha hada ku kacsan hogaamiyaha Galmudug Axmed Duccaalle Geelle Xaaf, in kastoo aan lagu guuleysan Xalinta Khilaafkan adag e hada ka soo dhax cusboonaaday Maamul Goboledka Galmudug ee Soomaaliya.
10-kii Bishii Janaayo ee isla Sanadkaan 2017 ayey aheyd Markii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay Kalsoonida Kala laabteen C/Kariin Xuseen Gulled.
Hoos ka Dhageyso