Xuska sanadguuradii koowaad ee doorashada madaxweynaha xilka haya ayaa maanta qaab cusub uga socda magaalada Muqdisho ayaa lagu xusay
Xoolo loo qeybiyey ciidamada, Adeeg Caafimaad & Agab kale oo lagu xusay 8-da Febraayo.

Adeeg Caafimaad oo lacag la’aan ah ayaa loo fidiyey dad danyar ah oo qeybo ka mida Muqdisho ay ku qaabileen dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, waxaana adeegaasi saf u galay adeegyadaasi.


Dhinaca kale waxaa maanta 8-da Maarso lagu xusay Agabka jiif ah sida Joodariyaal oo la gaarsiiyay xarunta agoonta Afgooyo oo loo yaqaan OORFANEA, Waxaana ka mid ahaa agabka jiifka iyo nuucyada kala duwan ee macmacaanka iyo qalab Sport.
Waxaa kaloo Ciidamada xoogga dalka la gaarsiiyay xoolo nool oo loo qeybiyey, waxaana xeryaha la geeyay xoolaha ka mida Wasaarada Gaashaandhiga, Taliska Villa Baydhabo, Horinta caafimaadka ee Isbitaalka Xoogga, xeryaha tabobarada, furinta dagaalka, xerada ciidanka ku cuuryaamay dagaalkii 77 ee Martini, Taliska Cirka, kan Bada iyo xero Guulwade.
