Home Afsomali Qadar oo sheegtay in Qaraxyadda iyo Deganaansho La’aanta Somali sii jireyso tan...

Qadar oo sheegtay in Qaraxyadda iyo Deganaansho La’aanta Somali sii jireyso tan iyo inta Imaaraadka faragelinta ku hayaan Arrimaha Gudaha Somalia

Mid ka mid ah Taageeraayaasha Amiirka dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, sida aan ka soo xiganay Dhowr Wargeys oo Carbeed.

Taageerahaaasi oo Twitter-ka ku leh cinwaanka Al-Adam / Afdak Tamim ayaa sheegay inay sii socon doonaan Qaraxyadda iyo Deganaansho La’aanta Somali, inta ay Imaaraadka faragelinta ku hayaan Arrimaha Gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Qaraxyadda ka dhaca gudaha Somalia ma joogsan doonaan, haddii aan Safiirka Imaaraadka laga masaafurinin Somalia” ayuu yiri Taageerahaasi daacadda u ah Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani.

Waxa kale oo uu ku baaqay in Albaabadda loo laabo Saldhigga Argagixisadda ee Somaliland ku leeyihiin Milliteriga Imaaraadka ee Berbera, waa sida uu hadalka u dhigay

Goobjoogayaasha ayaa rumeysan in Aragtidiisa tahay cabsi cad oo gilgili kara Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Hadalkaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo Xildhibaanad Ubaax Tahliil oo ka tirsan BFS sheegtay inaysan Alshabaab oo keliya ka dambeeynin silsiladaha Qaraxyadda joogtadda ee ka dhaca magaalladda Muqdisho, oo ay ugu dambeeyeen kuwii Jimcihii la soo dhaafay ka kala dhacay 2 bar oo ay Ciiddanka DFS ku leeyihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Isbitaalka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Qatar oo uu Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyo Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Baxrayn waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin DFS, iyadoo la sheego inay Madaxweyne Faramaajo ku taageertay Dhaqaale, si uu ugu guuleysto Madaxtinimadda Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.