Home Afsomali Qoriga A.K 47 Xagee naga soo galay

Qoriga A.K 47 Xagee naga soo galay

MAXAAD KA TAQAAN QORIGA AK 47 ( KALASHINKOV ). Qorigan waxaa loogu tala galay in loo adeegsado weerarka, magaca uu caanka ku yahay ee looga yaqaan dalkeena Soomaaliya ee AK 47 marka laga soo tago waxaa kaloo loo yaqaan Kalashinkov, AK, Russian Slang iyo Klash. Qoriga AK 47 waxaa soo saaray nin u dhashay dalka Midowga Soofiyeeti ( SOViET UNION ) oo hada Rassia ah oo magaciisa la’oran jiray Mikhail Kalashnikov sanadkii 1945-kii, intii u dhaceysaa 1946 – 1948 qorigan wuxuu ku jiray Xaalad tijaabo ah wuxuuna si rasmi ah u dhaqan galay sanadkii 1949-kii kolkaas oo ay ogolaadeen ciidamadii midowga Soofiyeeti. Qorigan waxaa markii ugu horeysay si buuxda u isticmaalay gaashaan buurtii WAARSO , AK 47 culeyskiisu waa 3.90 Kg , dhererkiisuna waa 880 mm ( dhamaha, baadlaha) iyo 645 mm ( gees laabka ama beer laabka ) 75 Million oo qoriga AK 47 ah ayaa lasoo saaray intii u dhaxeysay 1949 – 2015 , sidoo kale 25 Million oo qori oo ah qoyska qoriga AK 47 ayaa iyana lasoo saaray , iyadoo sanadkii 2004 qoryaha dunida yaal lagu sheegay 500 Million oo qori oo 100 Million oo ka mid ah ay yihiin qoriga AK 47 iyo qoyskiisa, hadaba aan isweydiino inta qori ee AK 47 ah ee dalkeena taala iyadoo waliba lacag la’aan lagu soo siinayay HOGAAMIYE KOOXEED iyo HOGAAMIYE DIINEEDYADA si aan isugu baabi’ino. Qalinkii Qoraa Sare . Muse Mohamed Osman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.