Home Afsomali RW Xasan Cali Kheyre oo Madaxweyne farmaajo ku soo dhaweeyey magaalada...

RW Xasan Cali Kheyre oo Madaxweyne farmaajo ku soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaali Farmaajo iyo Wafdi uu haggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu wado in uu ka furmo shirka Golaha Amniga.

Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa goroonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali kheyre ,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ,Mas’uuliyiin kale iyo Shacabka Magaaladaasi.

Shirka Golaha Amniga oo uu shir guddiimin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaana looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Sidoo kale shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Waxaana qayb ka ah shirkan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyha gobolka Benaadir.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya maanta uu ku tagay Magaalada Baydhabo waxaa ku wehliyay Wasiirada Gaashaandhigga ,Amniga ,Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Shirkan Golaha Amniga kii kahoreeyay ee bishii Febaraayo 2018-ka ka dhacay Muqdisho waxaa la isla meel-dhigay Arrimo dhor ah oo ay ku jireen dhismaha Ciidanka iyo Amniga taasoo qeyb weyna ka noqon doonto shirakan ka furmaya Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.