Home Afsomali Ciidamada Ethiopia oo gaari ciidan jiirsiiyey dilayna Hooyo soomaaliyeed iyo Labo Carruur...

Ciidamada Ethiopia oo gaari ciidan jiirsiiyey dilayna Hooyo soomaaliyeed iyo Labo Carruur ah oo ay dhashay

 

Hooyo soomaaliyeed iyo Labo Carruur ah oo ay dhashay ayaa dhintay kadib markii Duleedka Degaanka Wabxo ee G/Galgaduud uu ku jiiray Gaari ay wateen Ciidanka Itoobiya.
Xili ay dalka ka jirto abaaro iyo dagaalo isbarbar socda.

abaar-iyo-dagaal

waxaana dhaawacmay Aabihii Reerka iyo Wiil yar oo ay dhaleen. Maamulka Degmada Ceel-buur ayaa Saxaafada  u sheegay in Gaari Ciidamada Itoobiya ay wateen uu Jiiray Qoyska oo Degenaa Meel aan sidaa uga Fogeyn wadada isku Xirta Maxaas iyo Wabxo kuwaas oo ku dhaxjiray Aqla Somali ay lahaayeen .

Ciidamada ayaa ka baxay Degmada Maxaas,waxaana ay ku siijeedeen Magaalada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Ka dib shilka ayaa ciidamadu safarkooda halkoodii ka sii wateen mana jirin raali galin dil shafshafo iyo gargaar kale oo ay u fidiyeen

Ciidamada Ethiopia ee jooga dalka somaliya ayaa u qeybsama kuwo ka tirsan Amisom iyo guutooyin kale oo dalka u jooga in ay danahooda ka fushadaan.
Waxayna shacabka ula dhaqmaan sidii ay doonaan mana jirto cid korhoogteyneysa dhaqdhaqaaqooda milatari
Ciidamadaan ayaa ah kuwa guurguura oo marba magaala gala ka dibna isaga baxa .
Arintaas oo bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka ay ka baxaan kala kulma dhibaatooyin kale .
Shacabka ayaa alshabaab iyo dowladuba ku eeyeeyaan in ay taageereen soona dhaweeyyaan qolada ay is hayaan waxayna mutaan dil caga jugleyn xarig iyo arimo kale.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.