Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khubad ka jeediyey Garoonka Kubadda Cagta Banaadir stadium ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Siyaasada,Amniga,wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbadiisa dhinacyo badan ay taabaneysa ayaa ku soo haal qaaday arrimaha Maamulka Soomaaliland oo aaminsan in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een.
Dhowr mar ayuu madaxweyne Farmaajo ku cel celiyey in dib loo bilaabo wahadaladadaas,balse Soomaaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin,sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday xiisada deegaanka Tukaarq,waxa uuna ku baaqay markale in xiisadaas la qaboojiyo,isla markaana wax walba wahadal lagu dhameeyo.