Home Afsomali lamaane isku meel ku dhigtay xaflado lagu kala sheegay aroos iyo tacsi

lamaane isku meel ku dhigtay xaflado lagu kala sheegay aroos iyo tacsi

Aroosadda Michelle White (32 jir) ayaa waxaa qabsatay ayaandarro weyn kadib markii ay hal maalin u wada diyaarisay seygeeda Scott Plumley (41 jir) xaflad guur iyo aas tacsi wada socda.

Lammaanahan oo kasoo jeeda magaalada Bristol ee dalka Ingriiska ayaa wada kulmay labo sannadood ka hor, waxaana ay durbo qorsheysteen in ay wada dagaan maadaama ay shukaansigii isku fahmeen ayna yaqiinsadeen in ay wada noolaan karaan.

Nasiib darro marnaba labadaasi sano ma aysan is guursan, laakiin waxa ay kala heleen labo carruur ah iyagoona qorshohoodu ahaa in ay is guursdaan marki ay xoogaa kharas urursadaan.

Iyadoo ay arrintu sidaasi tahay, qoyskuna jawi farxadeed ku jiro ayaa waxaa seyga Scott kusoo booday xanuun uu dhulka la dhacay islamarkaana uu miir beelay inkastoo uu in mudo ah ka cabanayay xanuuno yaryar oo dhanka caloosha ah.

Ambalaasta ayay saaxiibtiis ugu wacday, waxaana islamarkiiba la geeyay isbitaalka qeybta gar-gaarka deg-degga ah halkaas oo lagu ogaaday cudurka haya.

Scott waxaa in mudo ah caloosha ka hayay cudurka kansarka oo uu ka wahsanayay in uu dhakhtarka aado, balse waxa uu la sugay ilaa uu kasoo rito.

Dhakhaatiirta ayaa labo maalmood u qabtay in uu ku dhimanayo maadaama cudurku aad ugu baahay jirkiisa islamarkaana uu gaaray xaalad aan waxba laga qaban karin.

Kadib markii ay intaasi maqashay saaxiibtii Michelle, waxaa ay si deg-deg ah maalintii xigtay isbitaalka ugu qabatay labo xafladood oo wada socda kuwaas oo kala ahaa mid aroos iyo mid tacsi.

Ku dhowaad 200 oo macsuum oo isugu jira qaraabo, asxaab iyo dad ay labada lammaane soo wada shaqeeyeen ayaa xafladda arooska kasoo qeyb galay, waxaana sidoo kale looga arrinsaday xafladdasi duugta Scott iyo qaabka ay u dhaceyso.

Scott ayaa isla habeenkii arooska lagu kala tagay geeriyooday, waxaana xaaskiisa oo murugeysani sheegtay in ay rajeyneyneysay in ay wada joogi doonaan 20-30 sano oo hada dhiman maadaama labadii sano ee ay wada noolaayeen uu qanciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.