Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay in Xukuumadda inay handadaad iyo dhaqaale ku bixineyso sidii loo baabi’in lahaa warbixintii Guddiga Maaliyadda oo dhowaan soo bandhigay warbixin ka hadleysay in wax is daba marin lagu sameeyay Miisaaniyadda Sanadka.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay inay socoto qorshe lagu burburinayo Baarlamaanka, haddii la isku dayo in la hor-istaago kala diridii lagu sameeyay Guddiga Maaliyadda sida uu yiri.
“Waxaa socda qorshihii lagu burburin lahaa Baarlamaanka, Haddii aan lagu fakan Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu badbaadin, sida uu sharciga iyo xeerka qabo in la raaco, waxaaba ka cabsi qabaa in haddii Guddoomiyaha taladaas ku raaci waayo, in laga shaqeeyo sida loola diraro sidii Guddoomiyihii hore Jawaari oo kale in isna loola diriro”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay buuqa looga dhex dhaliyay Baarlamaanka uu yahay in howlaha Baarlamaanka laga dhigo fadhiid.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo maalin ka hor dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu eegi doono waxa uu ka qabo xeer hoosaadka kala dirida Guddiga Maaliyadda, iyadoo weli Guddoomiyaha uu wado wadatashiyo iyo kulamo uu la leeyahay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuxigeenadiisa.
Kulamada Golaha Shacabka ayaa hakad ku jira muddo todobaad, iyadoo ay weli taagan tahay dood ka dhalatay kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ku sameeyay Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku tilmaameen tallaabadaas mid sharci darro ah oo aan loo marin sida xeer hoosaadka qabo