Home Afsomali Laba eedeysane oo xukun dil toogasho lagu fuliyey

Laba eedeysane oo xukun dil toogasho lagu fuliyey

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo horey u dilay sida ay sheegtay nabadoon can k ahaa magaalada Muqdisho.

 

Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan.

Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah,waxaana maanta oo taariikhdu ay tahay 7/Febraayo/2019 lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay.

 

Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka.

Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay dad lagu helay danbiyo kala duwan waxaana u dambeeyey ga can Ku dhiigle  dhawaan lagu toogtay Baydhabo,kadib markii lagu heley dembi ah in uu nabadoon can ahaa dil u geystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.