https://youtu.be/E71znnH1aZ4
Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray afar Qof oo ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Maamulka Somaliland iyo dad kale oo la socda.
Wasiirrada hore ayaa la sheegayaa in ay shalay soo gaareen Magaalada Muqdisho,kuwaas oo aan la sheegin sababta ay u socdaan.
Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee
Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda, waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday.
qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho.
Magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay waxaa laga hadal hayay in.Madaxweyne farmaajo uu khadka talephonka kula hadlay wasiir abgaal oo hore u sheegay in ay ku fakatay xoolo shacad isla markaana uu ku bukooda inkasta oo uu shacabka cafis weydiistay.