Home Afsomali Qarax Miino dhulka lagu aasay ah oo ka dhacay goob...

Qarax Miino dhulka lagu aasay ah oo ka dhacay goob lagu nasto oo aan ka fogeyn dakada Magaalada Muqdisho

in ka badan 35 qof ayaa ku dhintay Qarax aad u weyn jugtiisana laga qada maqlayey daafaha magaalada ayaa ka dhacay afaafka hore ee dakada caalamiga ah ee magaalada Muqdisho .

Qaraxa ayaa ahaa mid dhulka lagu aasay xabeenimadii isla saakana la qarxiyey wuxuuna ka dhacay afaahka hore ee dekada goob ay ku nastaan shaqaalaha dakada ka xoogsada gadiidkana la dhigto  inta u dhaxeyso dhismaha laanta canshuurha Turubo tariyo  iyo wadada laamiga ah taasi oo u sameysan sida jardiino oo kale lehna geedo waaweyn

waxaana xigtay risaas  dadka magaalada ayaa taleephonada gacanta isku wareysanayo waxaana la soo warianaya in u ka dhashay qasaare dhimsho iyo mid dhaawac.

dadka wax ku Noqday ayaa u badan shaqaalaha dekada ka xoogsada kuwaa oo halkaa maqaayado ku yaal aroorta hore ka caba qaxwo iyo shaah kuna kala warqaata

Waxaa Goobta xiray ciidamada ilaalada dhawaqa gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa la maqlayaa oo lagu daad gureynayo dhaawaca iyo meydadka ka dhashay. Qaraxa


warar horey oo soo baxay ayaa sheegaya in qaraxaan ka dhashay miinada dhulka lagu asay uu dilay ilaa 35 qof halka uu gaarsiiyey dhaawacyo kala duwan tio intaa ka badan

Maamulka dakada ayaa amar ku bixiyey in la joojiyo dhamaan howshii gudaha dakada ka socotay si baaritaano loo sameeyey sababata iyo cida ka danbeysay in ay miino ku aasto kadakada horteeda

Taliyaha Hogaanka Canshuuraha beriga janaraal cabdulaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in miinada lagu aasay geedaha ay Shaqaalaha iyo shacabku harsadaan Ujeedkuna ahaay in iyaga lagu laalyo.

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa si aad ah cidamadu u ilaaliyaan waxaana xusid mudan in ay taalo dhowr jidgooyo taasi su.aalo badani ka iman karaan sida miidanada lagu geeyey halka ay ku qaaxday

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.