Home Afsomali Deg deg Ciidamada dowlada oo la wareegay gacan ku heynta dagmada aadan...

Deg deg Ciidamada dowlada oo la wareegay gacan ku heynta dagmada aadan yabaal

 

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ay galeen degmada Aadan Yabaal, kadib maalmo ay ku sugnaayeen banaanka magaalada.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degaanka ayaa sheegay  inay ciidanku gudaha u galeen ayna samaynayaan miino-baaris. Kooxda Al-Shabaab ayaa habeen hore isaga baxday magaalada.

Ciidanka ayaa maalmahan kaabiga ku hayey Aadan Yabaal, oo ka mid ah laba magaalo oo ka tirsan gobolkaas oo weli kusii jiray gacanta Al-Shabaab. Ciidanbka ayaa la sheegay inay galeen magaalada iyadoo uusan dagaal ka dhicin.

Maalmo kahor, ciidamada ayaa qabsaday degaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka, kuna dhow degmada Aadan Yabaal, oo ay ka mid yihiin Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam.

Goor sii horreysay oo saaka ah, ayaa qaraxyo culus ay ka dhaceen gudaha degmada Aadan Yabaal, kuwaas oo ka dhashay ‘miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen’ waddooyinka laga soo galo degmada iyo sidoo kale xarumaha muhiimka ah kahor inta aanay ka bixin.

Sidoo kale waxaa degmadan isaga barakacay shacabkii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta howlgalkan oo ay barbar socoto duqeyn xoogan.

Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Previous articleQorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta akhrintii 3aad ee wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland
Next articleInternational Disabled People Day 3 December 2022 is organized in Mogadishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.