Home Afsomali Nin adeer u ah Xasan Cali Kheyre oo ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo...

Nin adeer u ah Xasan Cali Kheyre oo ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu ka danbeeyo Amni darida ka jirta dalka

 

Nabadoon Maxamed Xassan Xaad oo adeer u ah Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre isla markaana ka mida ah oday dhaqameedka kooban ee uu Xassan Kheyre talada ka qaato ayaa kulan uu qabtay ku sheegay in dalka ay haysato hogaan xumo iyo talo la’aan.

Adee Xaad oo ka hdalay kulan albaabada u xiran yihiin ayaa sheegay in uu ka baqayo in dalka uu galo xaalad qalqal siyaasadeed isaga oo ku tilmaamay MW Farmaajo “kali talis” ay qalbiga kaga jirto dareen aargoosi ah. Xaad oo maalhaman danbe ka waday magaalada Muqadishu kulamo iyo olole uu doonayay in uu isaga horkeeno Qabaa’ilka Hawiye iyo MW Farmaajo ayaa hadda banaanka soo dhigay dareenkiisa.

Adeer Maxamed ayaa rumeysan in RW Kheyre u tartamo jagada Madaxweynaha si uu badalo Madaxweyne Farmaajo. Kulankii qarsoodida ahaa ee uu qabtay ayuu ku sheegay in la mideeyo beelaha Hawiye si ay uga horytagaan MW Farmaajo iyo kooxa raacday
Maxamed Xassan Xaad oo adeer u ah Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre isla markaana ka mida  ah oday dhaqameedka kooban  ee uu Xassan Kheyre talada ka qaato ayaa  kulan uu qabtay ku sheegay  in dalka ay haysato hogaan xumo iyo talo la’aan.

Adeerka  oo ka hdalay kulan albaabada u xiran yihiin ayaa sheegay in uu ka baqayo in dalka  uu galo xaalad qalqal siyaasadeed isaga oo ku tilmaamay MW Farmaajo “kali talis” ay qalbiga kaga jirto dareen aargoosi ah. Xaad oo maalhaman danbe ka waday magaalada Muqadishu kulamo iyo olole uu doonayay in uu isaga horkeeno Qabaa’ilka Hawiye  iyo MW Farmaajo ayaa hadda banaanka soo dhigay dareenkiisa.

Nabadoon Xaad ayaa rumeysan in RW Kheyre  u tartamo jagada Madaxweynaha  si uu badalo Madaxweyne Farmaajo. Kulankii qarsoodida ahaa ee uu qabtay ayuu ku sheegay in la mideeyo beelaha Hawiye si ay uga horytagaan MW Farmaajo iyo kooxa raacsan.

Xaad Ayaa yiri “ Farmaajo waa nin aan xidid nahay in aan ku dheeradana ma rabo oo dhaqanka ayaa i qabanaayo…. Farmaajo waa qof qalbi fiican mana aha qof isaga shaqsiyan xun laakiin ma aha shaqsi Soomaali hogaamin karo, talo ma qaato isla markaan dad iskuma hayn karo”. Xaad ayaa intaas ku daray “xaqiiqdiina waxa ah in dalkaan meesha uu hadda  joogo meel ka xun uu joogi lahaa hadii uusan ahaynin Xassan Cali Kheyre”.

Nabadoon Xaad ayaa maalinta Jimcaha waxa uu ku qabanayaa magalaada Muqdishu kulan qado sharaf ah uu isugu yeerayo beelaha Mudulood iyo Murusade si ay u wada-tashadaan waxa uu ku tilmaamay “xaalada dalku maraayo”.  Xaad ayaa  la weydiiyay in Kheyre uu awoodo in uu Farmaajo ka taqaluso. Nabadoon Xaad oo qoslayo ayaa  u maah-maahay dadkii la joogay,  waxa uu yiri “Geeloo geedwalba daaqdaye, markaad ciin daaqdaa laguu yabaa…”, taas oo ula jeeday Farmaajo balaayo ayaa ka raaceyso hadii uu isku dayo in uu ceyriyo  ama uu badalo Kheyre.

Mid ka mida dadkii ka qayb galay kulanka kana soo jeedo beesha Abgaal ayaa ku yiri  Xaad “.. Farmaajo wax dhib ah oo uu u geystay beelaha Hawiye ma jirto, afkiisa iyo gacantiisa waa laga nabad galay, wax dhib ah oo aan ka sheeganaynaana ma jirto, laakiin nin dilka iyo dhaca u geystay beelaha Hawiye iyo beelaha kale  ee Soomaaliyeed waa Xassan Kheyre… Dhibka uu dalka u geystayna ma aha mid laga masaabixi doono”.

Dad badan ayaa rumeysan in hadalka ka soo yeeray  Nabadoon Xaad uu yahay mid uu u soo dhiibay RW Kheyre taas oo qaybka ah dagaal lagu qaadayo Madaxweyne Farmaajo.  Dhanka kale dad badan ayaa waxa ay isweydiinayaan maxay la aamusan tahay Xaaska Madaxweynaha, Seynab Macalim oo ay u qaban la’dahay Nabadoonkeeda mise dagaalka ka dhanka ah  Farmaajo ayaa ay qayb ka tahay?.

Waxaan wali la ogaynin in kulankii maalinta Jimcaha uu iclaamiyay Nabadoon Xaad uu dhici doono iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.