Kulankaan oo ahaa mid su.aalo lagu weydiinayey Wasiirka wasaarada caafimadka ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiye ku xiheenka Mudanayaasha Aqalka sare Sanator Abshir Buqaaari
Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa hor dhigtay mudanayaasha Aqalka sare Sharciga mihnadlayaasha Caafimaadka wasaarada iyo sharciyo ay dooneyso in la ansixiyo
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya oo hadal ka jeedisay kulanka xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka geshay dalalka ugu liita ee hooyo ay ku dhali karto Caruur
Waxa ay sheegtay in arintaasi wax looga qaban karo oo kaliya in Aqalka sare uu meel mariyo Sharciga mihnadlayaasha Caafimaadka.