Xeer ilaaliha Guud Xarinta C.I.D wixii ka qaldama waa wax ula kac ah
Xarunta barista Danbiyada oo dib loo furey
Ka dib Munaasibad xariga looga jarayey Xarunta Baarista danbiyada oo mudooyinka u xirey dayactir lagu sameynayey
Ayaa Gudoomiyaha maxkamada Sare Taliyaha ciidanka bolice Ka iyo gudoomiyaha gobolka banadir si wada jir ah xariga uga jareen xarunta hogaanka baarista dambiyada ee C.I.D .
Munaasibada xariga looga jarayey xarunta baarista dambiya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Ka soo qeybgalay gudoomiyaha gobolka banadir taliyaha iyo taliye xigeenka ciidanka bolice Ka xildhibaano maareeyaha dhismaha qaranka siyaasiyiin gudoomiyaha maxkamada Sare gudoomiyaha maxkamada gobolka banadir .xeerilaaliyaha guud ee qaranka taliyayaal iyo sareeyayaal ciidan iyo masuuliyiin Ka socota hogaanada ciidanka ee laamaha anniga .
Hogaanka baarista dambiyada ee ciidanka bolice Ka ee C.I.D oo ah heyda ugu muhiinsan dhanka amniga Isla markaana habka iyo shaqada lagu haayo markii ay madaxdu aragtay ay u garteen in dib u habeyn lagu sameeyo waxaana laga bedelayqaar ka mid ah saraakiishii gacanku heysay iyo holwadeenadii xaruntaa
Sida uu Munaasibada hadal jeedibta Ka sheegay taliyaha ciidanka bolice sareeye Gaas Cabdi Xasan xajaar
Xeerilaaliyaha guud Dr Axmed Cali Daahir gudoomiyaha gobolka banadir Cumar Maxamed Maxamuud c finish maareeyaha dhismaha qaranka iyo masuuliyiin kale ayaa soo wada dhaweeyey dib u howlgalinta xarunta barista danbiyada ee C.I.D
Gudoomiyaha maxkamada Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa xusay in Hayeadaha oo dhan loo baahan yahay in dib u habeen lagu saneeyo wuxuuna si gaar ah ula dardaarmay wasaarada maaliyada iyo gudoomiyaha gobolka banadir