Maxkamada xarakada alshabaab ayaa u kala dacwad qaaday in badan oo ka mid ah dadka dagan magaalada muqdisho kuwaas oo ku kala aragti duwanaaday qaabka qaadista dacwadaha .
Maxkamada ayaa qadka taleephonka ugu yeerta shaqsigii laga dacweeyo waxaa ayna ku amartaa in uu degdeg u tago maxkamada alshabaab ee deegaanka toora toorow .
Kiisaska ay qaado maxkamadaan ayaa u badan dhanka molkiyada dhulalka la isku heysto.
Dadka loo yeero ayaa qaarkood tagaan si loo gudo galo dacwada halka qaarna ay anfariir ka qaadaan marka looga yeero maxkamada alshabaab.
Ma jirto muran iyo beensheegid waxaana jira in badan oo si nadiif ah ugu kala baxay go.aanka ay gaartay maxkamada alshabaab.
waxaa jira in badan oo ka mid ah dadka reer Muqdisho o halkaa loogu garqaaday waxayna sheegeen in xukumadooda ay ku qancen una dhaceen si calaalad ah