Home Afsomali Wada-hawlgalayaasha bani’aadamnimada ayaa kor u qaaday waxqabadka daadadka

Wada-hawlgalayaasha bani’aadamnimada ayaa kor u qaaday waxqabadka daadadka

Jawiga Jawaabta Daadka

Wada-hawlgalayaasha bani’aadamnimada ayaa kor u qaaday waxqabadka daadadka iyaga oo dib-u-habeyn ugu sameynaya ilaha la heli karo, laakiin nusqaamo waaweyn ayaa weli jira iyada oo roobab culus ay ka da’ayaan meelaha qaar. In kabadan 350,000 oo qof ayaa heley kaalmo 570,000 oo qof oo daadadku saameeyeen. Magaalada Belet Weyne, ayaa daadadka biyaha ay dib u noqdeen, taasoo u saamaxday 80,000 oo barakacayaal ah oo ku nool magaalada Beladweyne (40 boqolkiiba dadka deggan magaalada barokacay) inay ku noqdaan guryahooda. Roobabku waxay ku fataheen 207,000 hektar oo dhul ah oo ku teedsan wabiyada Shabeelle iyo Jubba, taasoo sare u qaaday welwelka ku saabsan sugnaanta cunno iyo khasaaraha hab-nololeedka. 23kii Nofembar, UN iyo Dawladdu waxay bilaabeen qorshe 3-da bilood ah oo ah $ 72.5 milyan oo loogu jawaabayo Qorshaha Waxqabadka Daadka si loo abaabulo ilo kale. Qiyaastii $ 25 milyan ayaa la diyaariyay – $ 11 milyan oo laga helay Sanduuqa Banii-aadamnimada ee Soomaaliya, $ 8 milyan oo ka socota CERF iyo maalgalinta ECHO iyo DFID, laakiin $ 47.5 milyan ayaa wali loo baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.