Home Afsomali Aqalka Sare oo Warmurtiyeed ka soo saaray doorashooyinka dalka

Aqalka Sare oo Warmurtiyeed ka soo saaray doorashooyinka dalka

Aqalka Sare ayaa war saxaafadeed kasoo  saaray kulan ay maanta yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo looga hadlaayay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo sidoo kale Shaqooyinka Aqalka Sare horyaalla.

War saxaafadeedka Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa lagu sheegay Goluhu uu leeyahay kaalin dastuuri ah isu keenista Madaxda Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedyo, si looga arrinsado loogana heshiiyo hannaan lagu meel marinayo xaalada kala guurka ah.

Warka kasoo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay  in qabashada doorashooyinka ay u baahan tahay wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan Madaxda Qaranka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June.

Waxaa Golaha Aqalka Sare ay muuqdaan in ay si guud uga horjeesteen qorshaha Madaxtooyadda ee ahaa in labadda Aqal ha kulan loo qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.