Home Afsomali Alshabaab oo dilay Xildhibaan ay Gaari kala dageen

Alshabaab oo dilay Xildhibaan ay Gaari kala dageen

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay  dileen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabaab,kaas oo  Al-Shabaab ay kala dageen gaari uu saarnaa.

Mid kamid ah Carruurta uu dhalay Xildhibaanka ayaa xaqiijiyay,waxaana la sheegay inay ku dileen degaanka yaaqle oo ka mid ah degaannada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanka ayaa  Gaari ka soo raacay Magalada Jowhar, isaga oo kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho,hayeeshee waxaa la sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gaariga kala dageen xilli uu marayay duleedka Tuulada Gololeey oo ku taalla wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaana ka filayaa in laga soo farmuqay Halkii uu gaariga ka soo raacay .

Dhinaca Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaankii saaka gaariga lagala degay ay dileen,

War kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa loogu tacsiyadeeyay Ehellada marxuumka,isaga oo Alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabaab ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee Hir-Shabeelle inay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kara Al-Shabaab xilliyada ay ku guda jiraan socdaalka Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.