Sabtidii, maamul-goboleedka woqooyi-bari ee Puntland wuxuu qaabilay marti sharaf aad u tiro badan ka hor Shirka Sannadlaha ah ee Fikradaha 2020, oo loo qorsheeyay 29-ka Diseembar. Sida laga soo xigtay Machadka Heritage, madasha 4-aad, oo markii ugu horreysay ka dhaceysa Soomaaliya, ayaa looga gol leeyahay in lagu kobciyo wadahadal dhexmara Soomaalida arrimaha la xiriira siyaasadda, amniga, dastuurka, federaalka, iyo doorashooyinka Ilaa 200 oo kaqeybgalayaasha, oo ay kujiraan masuuliyiin sar sare oo katirsan dowlada Soomaaliya, gudoomiyeyaasha Guurtida iyo Aqalka Hoose, iyo ganacsatada, hogaamiyaasha bulshada iyo dhalinyarada ayaa lagu casuumay inay kaqeyb galaan kulanka ka dhacay magaalada Garowe. Madaxweynaha Puntland H.E. Saciid C / llaahi Deni ayaa si kal iyo laab ah ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha subaxnimadii Sabtida afhayeenada labada gole ee baarlamaanka, oo ay wehliyaan Senatoro, Xildhibaano, iyo saraakiil ka tirsan dowladda. Hal ku dhegga sanadkan ayaa ah: “Sidee Soomaaliya uga bixi kartaa marxaladda kala guurka ah ee daba dheeraatay sanadka 2025.”
Madashu waxay imaaneysaa iyadoo dalka ay ka jirto qalalaase siyaasadeed oo hareeyay doorashadii 2020-21 iyadoo madaxda dalka ay is mari waa weyn ka taagan tahay magacaabista guddiga doorashada ee dowladda federaalka. Xilligan xal looma hayo joojinta isqabqabsiga socda. Laakiin saaxiibada caalamka waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale ee ay quseyso arrimaha siyaasadeed inay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal. Dhawaan, hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug Deni iyo Qoor-Qoor siday u kala horreeyaan waxay ku dhawaaqeen inay diyaar u yihiin dhexdhexaadinta khilaafka iyo xallinta arrimaha la isku haysto ee khuseeya doorashooyinka Soomaaliya.
Murashaxiinta ugu waaweyn ee mucaaradka ayaa qaadacay doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo madaxweynaha sababo la xiriira ka mid noqoshada wakiilada sirdoonka iyo shaqaalaha rayidka ee guddiga doorashada waxayna dalbadeen guddi doorasho oo dhexdhexaad ah. Go’aanka ay qaateen ayaa sii xumeeyay ismariwaaga una horseeday dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada laba jeer sanadkan. Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah dhammaadka muddadiisii afarta sano ahayd.