Nigeria oo qabatay boqollaal jawaan oo hilib dameer ahSaraakiisha kastamka Nigeria ayaa sheegay in ay qabteen 1,390 jawaan oo hilib dameer ah gobolka Kebbi ee waqooyi-galbeed ee u dhow xadka Niger.
Baadhitaanadii ugu horeeyay ayaa lagu sheegay in ilaa 1,000 dameer la gowracay, hilibkoodana lagu shubay jawaano, sida uu sheegay Joseph Attah, madaxa canshuuraha ee gobolka.
Waxa uu ku tilmaamay ‘ganacsi sharci darro ah oo lagu hayo duurjoogta ah’’ kaas oo ku xad-gudbaysa shuruucda Nigeria.
Jawaanadan ayaa waxaa lagu raray gaadhi nooca xamuulka qaada ah oo aan la ogeyn halka uu u socday. Wararka ayaa intaasi ku daraya in gacanta lagu dhigay darawalkii waday gaadhiga xamuulka ah iyo qof kale oo la tuhunsan yahay in sharciga lala tiigsan doono.
Nigeria ayaa la daalaa dhaceysa sidii ay wax uga qaban lahayd dilka dameeraha iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee xubmahooda, iyadoo tirada xayawaankani ay si xawli ah hoos ugu sii dhacayso.
Waagii hore, saraakiisha Nigeria waxay sheegeen in xubnaha dameeraha – oo uu ku jiro maqaarka – inta badan loo tahriibin jiray waddamada Aasiya oo uu ku jiro Shiinaha halkaas oo la rumeysan yahay in lagu sameeyo dawooyinka dhaqameed iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.