Home Afsomali Xaaska hoggaamiye Muslim ah oo lagu eedeeyey in ay Sixirey tahay

Xaaska hoggaamiye Muslim ah oo lagu eedeeyey in ay Sixirey tahay

Xaaska hoggaamiye Muslim ah oo lagu eedeeyey in ay Sixirey tahay

Eedeymo sixir, xatooyo iyo musuqmaasuq ah ayaa hareeyay Pakistan iyadoo dalkaasi uu wajahayo xilli adag oo lagu wado in codka kalsooni darrada loo qaado Ra’iisul Wasaare Imran Khan.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa saddexaad, Bushra Bibi, oo sidoo kale loo yaqaanno Bushra Riaz, kuma cusba in lagu eedeeyo arrimo yaab leh.

Balse markan xaalku si kale ayuu noqday oo waxaa hadda loo heystaa eedeymo musuqmaasuq iyo sixir ah.

Baarlamaanka Pakistan ayaa maanta yeeshay kalfadhi muhiim ah, iyadoo qaraar codka kalsooni darrada loogu qaadayo Ra’iisul Wasaare Imran Khan la soo saari doono.

Waxaana jirta dacwad cusub oo ku saabsan in Bushra Bibi ay isku dayeyso inay badbaadiso dowladda Imran iyadoo adeegsaneysa sixir.

Shahbaz Sharif, Hoggaamiyaha Mucaaradka Pakistan isla markaana ka mid ah dadka ugu cadcad ee raysal wasaarenimada u tartamaya, ayaa sheegay in hilib aad u badan oo sixir ahaan loo adeegsanayay lagu gubay guriga Imran Khan.

Hadalka Shahbaz wuxuu toos ugu socday Bushra Bibi, oo dhowr jeer oo la sheegay in hore sixir loogu eedeeyay.

Shehbaz Sharif ayaa wareysi uu siiyay telefishin gaar loo leeyahay wuxuu ku sheegay in dadka saboolka ah ay dhibtoonayaan carruurtuna caano u oynayaan, balse digaag badan sixir ahaan loogu gubay deegaanka Bani Gala.

Pakistan ayuu xaalkeedu qasnaa tan iyo markii xisbiyada mucaaradka ay baarlamaanka u gudbiyeen codka kalsooni darrada in loo qaado raysal wasaaraha, iyagoo sheegay dowladda Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaaf ay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka iyo sicir bararka.

Imran Khan, ayaa sheegay inuusan is casili doonin, inkastoo ay jiraan baaqyo uga imaanaya mucaaradka oo ku aaddan inuu xilka banneeyo maaddaama uu ku soo fool leeyahay mooshin isaga ka dhan ah, kaas oo noqon doona caqabaddii ugu weyneyd ee soo marta tan iyo intii uu xilka qabtay sanadkii 2018.

Awoodda dowladda Khan ay ku leedahay baarlamaanka

Xisbiga Imran Khan ee PTI 155 xubnood ayuu ku leeyahay xildhibaannada 342 ka kooban ee baarlamaanka dalkaas, waxay dowladdiisu u baahan tahay ugu yaraan 172 xildhibaan oo kale si ay xilka usii heyso.

Axadda soo socota ayuu Khan dadka ku casuumay bandhigga awoodda xisbiga talada haya oo lagu qaban doono Parade Ground ee Islamabad, isagoo dadka ku casuumay inay ku taageeraan “iska dhicinta sheydaanka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.