Home Afsomali Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta dib ugu aabtay Magaalada Kismaayo kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalay caleemo saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo shirkii Golaha wadatashiga Qaranka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo masuuliyiin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.