Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Xamse oo kormeeray Xarunta cusub ee Xukuumadda oo heer gabo-gabo...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kormeeray Xarunta cusub ee Xukuumadda oo heer gabo-gabo ah maraysa Daawo sawirtada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Dhismaha xaruntan oo ay maalgalisay dowladda Qatar, kuna taala halkii horay loo oran jiray Xarunta Xisbiga ee degmada Warta Nabadda ayaa isugu jira, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xarunta Xukuumadda, hoyga Ra’iisul Wasaaraha, guriga martida iyo masjid.

Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya iyo injineerrada dhisaya xarunta ayaa Ra’iisul Wasaarah cusub warbixin ka siiyay heerarkii ay soo martay howsha dhismaha xafiisyada xukuumadda oo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu ay dhawaan ku shaqo bilaabi doonaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey cid walba oo gacan ka geysatay dhismaha xaruntan oo muhiim u ah habsami u socodka adeegyada ay Xukuumaddu u qabanayso bulshada Soomaaliyeed.

U67A3625

U67A3611

U67A3581

U67A3551

U67A3484

Photo 6553716 DJI 116 jpg 5459517 0 2022614102626 photo original

Photo 6553709 DJI 109 jpg 5236917 0 2022614101042 photo original

BG5I8040

BG5I8002

BG5I7976

BG5I7930

BG5I7861

BG5I7824

BG5I7770

BG5I7738

BG5I7666

BG5I7618

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.