Home Afsomali Ciidamo Kenyaan ah oo qarax waxyeelo geystay lagula beegsaday Cabdall Biroole oo...

Ciidamo Kenyaan ah oo qarax waxyeelo geystay lagula beegsaday Cabdall Biroole oo u dhow Kismaayo

Kadib, weerarkii dhimashadda badan dhaliyey ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Saldhigga ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Kul-biyow, ayaa waxay Al-shabaab qarx miino la beegsadeen Ciiddan Kenyan ah oo marayey inta u dhexeysa Deegaanka Cbdall Biroole iyo Kismaayo.

Warbaahinta Kenya aya sheegtay in miino lala beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciiddan Kenyan ah, iyadoo ay dhowr Askari ku dhaawacantay, sida ay sheegteen.

Dhinca kale, Saraakiisha Ciiddanka Kenya iyo kuwa Taliska AMISOM weli wax war ah kama soo saarin Qaraxaasi, mana aha markii ugu horreysay ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab qaraxyo iyo weeraro la beegsadaan Askarta Kenya iyo kuwa kale ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.