Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.
markii xilkaasi loo doortay, wuxuuna Boqor Salmaan Bin C/casiis ka helay Casuumaad.
Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dhowrkii maalmood udambeeyay ku sugnaa dalka Sacuudiga halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay boqor Salmaan iyo qaar kamid ah golahiisa wasiirada.Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo cumraysaty.Hoos ka
Xilidalka dib ugu soo laabtay Madaxweynnaha soomaaliya jaalle Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigii la socday oo nay ku jireen kana mid ahaayeen Safarka Sacuudiga sh daahir geele .
Diyaaradii siday Wafdiga Madaxweynaha ayaa kolkii ay soo cago dhigatay Garoonka ayeysan sugin in ay soo dhaweeyaan siyaasiyiin , Wasiiro, Xildhibaan mana jirin cid ka hor tagtay oo ay salaam kaga qateen Garoonka Caalamiga ee magaalada Muqdisho.
Ma jirin kooxo baambey oo salaam sharaf musigeed u garaacay iyo kiyuugii dheeraa ee waqti dhimska ahaa wuxuuna madaxweynuhu si caadi ah u abaaray aqalka madaxtooyada
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweyntiisa u diyaarsanaa oo garoonka ku sugayey masuuliyiin iyo ciidamo loogu tala galay in ay music u tumaan wuxuuna ku amray madaxweyne faramaajo in ay waajibaadkooda shaqo gutaan ayna aadaan howshii qaran ee loo igmaday
Madaxweynaha ayaa u sheegay masuuliyiinta dowlada iyo xildhibaanada labada aqal ee goobta ku sugnaa in aan loo dul qaadan Karin waqti dhumis loogana fadhiyo in ay dalka wax u qabtaan .
Farmaajo oo horey u sheegay in aan wado loo xireyn ayaa ka dhabeeyey waxaana uu si caadi ah u dhaxmaray bulshada soomaaliyeed oo aan qaarkood ka warqabin in madaxweyne agtooda marayo .
Ma jirin kolonyo gaadiid dagaal ah iyo wado xiran oo ay dadku dhibsadaan ilaa madaxtooyada ayaa uu ka galo lama dareemeyn mana jirin wax wado ah oo loo xiray imaashiyihiisa.
Madaxweynaha oo warbaahina kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhamaan codsiyadii sacuuduiga ay u jeediyeen uu ka aqbalay
Farmaajo “qorshihii aan dowlada soomaaliya hordhigtay dalka sacuudiga waxaa ka mid ahaa in la kano miisaaniyada dalka si dowladu u bixiso mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha hay.adaha dowlada ,dhismaha xarumo cusub oo ay ha.adaha qaranku ku shaqeeyaan ,garoon diyaaradeed oo cusub ,dib uy dhiska wadooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo dib u howlgalina safaaradii Boqortooyada sacuudi carabiya ay ku laheyd magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa xusay in dhawaan baarlamaanka la geyn dooo miisaaniyada aad u mug weyn kana balaaran kuwii horey loo geyn jirey ,maadaama ay dowladu heysato ballan qaadyo waa weyn oo wax badan ku soo kordhin kara miisaaniyada dalka .
Hae yeeshee Madaxeynuhu ma soo hadal waadin in uu wax ka qabanayo biyo la,aanta iyo dabka korontada oo Muqdisho ka go.an wuxii ka danbeeyey dhacitaankii dowladii dhaxe ee somaliya
Dib la dayac tirayo ceelashsii biyaha magaalada siin jirey iyo wakaaladii xooga korontada ummadda oo magaaladu ka heli jirtay biyo nadiif ah iyo koronto ku filan
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0