Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjiraha Itoobiya ayaa intii kulankoodu socday waxay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa.