Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo Abaaraha Dalka ka jira oo u dhexeeya DFS iyo Beesha Caalamka.
Waxaa ka qeyb galay Shirkaan xubno ka socda Beesha Caalamka iyo sidoo kale dawlad goboleedyada dalka ka jira.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, Hay’adaha gar gaarka iyo sidoo kale qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka inta uu socdo looga hadli doonaa abaarta daran ee Soomaaliya ka jirta iyo sida loogu gurman karo dadka ay saameesay abaarta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shir gudoominaya shirkan goordhaw furmay ,waxaana hada socda khudbado ay jeedinayaan Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkan looga arinsanayo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta daran saameysay.
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0